Inta uu socday Shirka 3-aad ee Qaran ee Dabagalka iyo Qiimeynta (SNMEC 2026), ee ka socda magaalada Muqdisho, wafdi ka socda Ururka Qiimeynta Soomaaliyeed (SOMES) oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Fulinta ee ururka, Mudane Maxamuud Cali Nuur (Mohamud Ali Nor), ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dadweynaha UNFPA Somalia ee Soomaaliya, Mudane Judicaël Elidje, iyo kooxdiisa.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray qodobbo muhiim u ah horumarinta nidaamka qiimeynta ee dalka. Waxaa ka mid ahaa isla-xisaabtanka bulshada (Social Accountability), si bulshada loogu helo fursad ay kula xisaabtamaan adeegyada iyo barnaamijyada iyaga loogu talagalay. Sidoo kale waxaa la isla soo qaaday muhiimadda go’aan-qaadasho ku saleysan caddaymo (Evidence-Based Decision Making), iyadoo xogta iyo natiijooyinka qiimeynta laga dhigayo saldhigga qorshaynta, siyaasadaha iyo maalgelinta. Ugu dambeyn, waxaa la falanqeeyay xoojinta dhaqanka iyo tayada qiimeynta (Evaluation Practice), iyadoo kor loo qaadayo heerka iyo tayada qiimeynta ee hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta horumarinta.
Labada dhinac waxay isla garteen muhiimadda iskaashigan, waxayna ku ballameen inay yeeshaan kulamo kale oo xiga si loo sii ambaqaado wadahadalka loona dejiyo tallaabooyin wadajir ah.
SOMES waxay u mahadcelinaysaa UNFPA Soomaaliya sida ay u taageerto horumarinta qiimeynta iyo isla-xisaabtanka, waxayna rajaynaysaa iskaashi sii xoogaysta.
#SNMEC2026 #EvidenceForResults #SOMES #UNFPASomalia #SocialAccountability #Somalia #Mogadishu